Ciidamada Uganda oo xalay & habeen hore lagu miray gobolka Shabeellaha hoose.

Saturday October 17, 2026 - 09:57:53
MeMO Staff
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lasoo wariyey in xalay iyo habeen hore weerarro habeen-dheelmad ah ay ku qaadeen ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Sida ay xogtu tibaaxayso, jihaadiyiintu waxay habeen hore dagaal culus ku mireen xerada ciidamada Uganda ee degmada Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Sidoo kale dagaalyahannadu waxay habeennimadii xalay weerareen xerada ciidamada Uganda ee degmada Qoryooley ee isla gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarrada ayaa qayb ka ah hawl-gallada sida joogtada ah loogu ugaarsado ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duullay iyo daba-dhilifyada ay ku adeegtaan.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco Telegramka:

Related Items

Update cookies preferences